Dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney xanibtay gargaar loo waday gobolka Gedo

Dowlada Somalia ayaa lagu eedeeyey iney xanibtay gargaar loo waday degaano ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada la hadlayay caawa ah ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ah ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortaga Xanuunka Covid19 iyo fatahaadaha ka jira Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenku in Jubbaland ay go’aano adag ka qaadan doonto khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ah ka wado Gobolka Gedo.

Ma jiro hadal jawaab u ah eedeyntan oo ka soo baxday DF waxaana hadalka Maxamuud Sayid Aadan uu ku soo aadayaa xili maanta dayuurad lagu keena Muqdisho guddoomiyihii degmada Garbahaarey ee Maamulka Jubbaland ka dib markii uu ka hor yimid xil ka qaadis ay DF ku sameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -